Askari ka tirsan maleeshiyaatka dowladda Ridada federaalka ayaa si bareer ah qof shacab ah ugu dilay qeybo ka mid ah magaaladan Muqdisho.
Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhabarka dambe ee isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan, Waxa uu qofka la dilay darawal ka ahaa mooto Bajaaj.
Askari ka tirsan kooxda Ridada ayaa isku dayay in qofka shacabka ah uu ka qaato lacag baad ah oo gaareysa hal doolar balse markii uu ka waayay ayuu rasaas ooda oga qaaday taasi oo sababtay inuu geeriyooday.
Maleeshiyaatka kooxda Ridada iyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay dhibaateynta dadka shacabka maatida ah ee ku dhaqan gudaha magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.