Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyn oo ka tirsan wilaayada Mudug ee bartamaha dalka soomaaliya waxey sheegayaan in gabi ahaan deegaankaas ay isaga carareen ciidankii bangarafta ee mareykanka tababartay iyo kuwii dowladda federaalka ee deegaankaas ku sugnaa.
Xalay ayey gabi ahaan maleeshiyaatka murtadiinta isaga baxeen deegaanka Bacaadweyn waxeyna iyagoo wata 21 gaari oo sagaal ka mid ah ay leeyihiin Bangarafta u kala ruqaansadeen dhanka degmooyinka gaalkacyo iyo cadaado ee gobalada mudug iyo galgaduud.
Bulshada deegaanka Bacaadweyn ayaa saaka ku waabareysti iyadoo gabi ahaan deegaanka uusan ku sugneen askari ka tirsan Ridada, Waxeyna ka bixitaanka ciidanka bangarafta iyo kuwa dowladda federaalka ee Bacaadweyne kusoo aadeysaa xilli weeraro dhowr jeer deegaankaas ka dhacay lagu dilay askar iyo saraakiil fara badan oo murtadiin ah laguna soo ganiimeystay weeraradaas gaadiid iyo hub fara badan.
Calamada.com