Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ee Konfur Galbeed dalka Somalia waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyaatka dowlada Ridada iyo ciidamada Saliibiyiinta Kenya.
Iska hor’imaadkan xoogan waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Ceelqaalow waxa uu dagaalkan yimid kadib markii kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya ay xad beenaadka kasoo gudbeen iyagoo aanan kusoo wargalin maamulka Murtadiinta ugu magacaaban degmada Ceelwaaq.
Saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada oo cabsi xoogan ka qabo weerarada Shabaabul Mujaahidiin ayaa mooday in ciidamada kusoo socda magaalada ay yihiin ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxeyna isku dayeen iney difaac ka galaan bartamaha wadadaasi.
Kolanyada ciidamada Saliibiyiinta Kenya oo arkay maleeshiyaatka Murtadiinta oo wadada dhinaceeda taagan ayaa markaliya ooda oga qaaday rasaas xoogan iyagoo mooda iney yihiin ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo Kamiin ugu jira.
Dagaalka oo muddo socday waxey maleeshiyaatka dowlada Farmaajo iyo ciidamada Kenya isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan waxeyna ciidamada Kenya dileen saraakiil iyo askar fara badan oo ka tirsan dowlada Ridada.
Saraakiisha ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ku dileen dagaalkan waxaa ka mid ah Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf oo ku magacdheer Ilka case iyo tiro kale oo ka tirsan maleeshiyaatka Maamulka Farmaajo, tiro kalane weey dhaawaceen oo isla maleeshiyaatka dowlada ah.
Dagaalkan ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa muujinaya heerka ay la egtahay cabsida xoogan ee ciidamada Saliibiyiinta Kenya iyo kuwa dowlada Ridada ay ka qabaan weerarada culus ee kaga yimaada dhanka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Calamada.com