Dilkan waxey maleeshiyaatka dowlada Farmaajo si ula kac ah ugu geysteen qof shacab ah oo ka mid ahaa bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho,iyadoona faahfaahin laga helayo dilkaasi.
Askari ka tirsan Murtadiinta ayaa qofka Shacabka ah oo Kirishbooy ka ahaa mid ka mid ah gaadiidka Dadweynaha waxa uu sibareer ah ugu dilay agagarka Isgoyska Ex-controol Balcad degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.
Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in askariga Murtadka ah uu ruuxaasi shacabka ah rasaas ooda uga qaaday kadib markii Kirishboyga uu diiday inuu bixiyo lacag baad ah,muran dheer kadibna askariga Murtadka ah raas ayuu ooda oga qaaday taasi oo sababtay in qofka shacabka ah isla goobta ku geeriyooda.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor maleeshiyaatka Murtadiinta ay si barer ah dad shacab ah ugu rasaaseeyeen xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho iyo deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho rasaastaasi oo sababtay Dhimashada Todabo ruux oo shacab ah iyo dhaawaca 12 oo shacab ah.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.