Madaxwayne ku xigeenkii hore ee maamulka Riddada Puntland ayaa kasoo horjeestay heshiis ay dowladda Riddada la gashay dowladda Qadar oo ay ugu wareejisay ceelka shidaal ee HOL-HOL ee kuyaal gobolka Sool.
Murtad Axmed Karaash, ayaa sheegay in aysan heshiiskaasi aqbali doonin oo aysan shirkadihii loo saxiixay waqtiga isaga lumin.
“Waxaan dhegeystay hadal uu jeediyey wasiirka Batroolka XFS oo uu ku sheegay inay saxeexeen xidhmooyin Shidaal oo uu ka mid yahay Ceelka Shiidaalka ee Holhol.Haddaba waxaan la wadaagaynaa Shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee deegaanadaasba aysana jirin cid awood u leh inay heshiis kusoo gasho, iyadoon loo marin dariiq saxa oo heshiis lagu wada yahay” ayuu yiri murtad Karaash.
Ceelka HOL-HOL ayaa ka mid ah ceelasha ugu khayraadka badan geeska Afrika, waxaana ku jira xaddi badan oo gaas ah, horay waxaa isugu heestay maamullada Puntalnd iyo Soomaliland.