Maalinba maalinta ka dambeysa dhaxalsugaha koowaad ee maamulka Aala-sucuud Muxamed bin Salmaan ayaa qaadaya tallaabooyin uu kaga sii fogeynayo dhulka Xarameynka iyo dadka muslimiinta ah ee kunool diinta Islaamka.
Muxamed bin Salmaan ayaa wuxuu casuumaad u fidiyay mid kamid ah baadariyaasha Nasaarada wadanka Masar, kaas oo soo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud.
Anbaa Marqas Mudhraan oo ah mid kamid ah baadriyaasha Nasaarada Orothodoxiska wadanka Masar ayaa ku sugan magaalada Riyaad, isagoona si joogi doono illaa iyo 17-ka bishan socota.
Wuxuu sheegay inuu casuumaad u fidiyay Muxamed bin Salmaan, kaas oo u sheegay inuu soo booqdo Nasaarada joogta dhulka uu ka arimiyo Aala-Sucuud.
Baadari Anbaa Marqas ayaa ka dhawaajiyay arin la yaab leh, taas oo muujineyso halka ay xaaladu mareyso, wuxuuna shaaca ka qaaday in hool weyn oo ku yaala magaalada Riyaad ay kua dhigteen waxyaabaha cibaadada ay u yaqaanaan Nasaarada.
Wuxuu sheegay baadarigu in arintan ay u ogolaadeen maamulka Aala-sucuud, aadna ay uga faraxsanyihiin, isagoona dhulka Xarameynka ku tilmaamay inuu yahay dhulkooda labaad.