Xaalad hubanti la’aan ah ayaa ka taagan maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, Madaxwanaha maamulkaas Siciid Cabdullaahi Dani ayaa ku dhawaaqay in uu ka laabtay qabashada doorashadii uu doonayay ee ahayd waxa ay ugu yeeraan qof iyo cod.
Murtad Deni ayaa sheegay in uu tallbadaasi uu u qaaday isagoo u tanaasulaya kooxaha mucaaradka ,kaddib cadaadis xooggan oo uga yimid odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi.
Golaha dawaaqiidda maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland ayaa dhankiisa maanta qaaday taallaabo ay kaga xuub siibanayaan Deni, waxayna ku dhawaaqeen inay kasoo horjeedaan hadalka kasoo yeeray Dani, islamarkaana ay iyagu dooran doonaan madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
Kulanka xildhibaannada maamulkaas oo maanta ka dhacay Garrowe ayay ku sheegeen in ay ku samaysteen muddo kordhin hal sano ah, bisha soo socotana ay dooran doonaan madaxda maamulkaasi, halkii laga soo xuli lahaa xildhibaanno cusub.
Lama oga halka ay ku biyo shuban doonaan xiisadahan siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulka isku magacaabay Puntland, waxaana deegaannada maamulkaas aad looga hadal hayaa tanaasulka murtad Siciid Deni, kaasi oo lala xiriirinayo in uu keenay culayska ka haystay dhanka xildhibaannada.