Maalinta barri oo isniin ah waxay ku beegan tahay 9-ka bisha 1-aad Dul-xijjah 1446 Hijri, maalinta xigta ee Talaadadana waa maalinta Caashuuraa oo ah maalin aad u fadli badan oo muslimiinta laga doonayo inay ka faa’ideystaan.
Sheekh Maxamed Garaar oo ka mid ah culimada wilaayaadka islaamiga ah ayaa jeediyay kalimad muhiim ah oo ku aaddan fadliga ka buuxa soonka yowmu Caashuuraa oo ah maalintii uu Allaah SW badbaadiyay Nabi Muusaa CS iyo qowmkiisa, isla markaana uu halaagay gaalkii fircoon iyo qowmkiisii.
Sheekha ayaa kalimaddiisa dadka muslimiinta ah, gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu booriyay inay ka faa’ideystaan fursaddan qiimaha badan oo ay soomaan yowmu caashuuraa, waxaana sunna ah in la soomo maalin ka hor ama ka dib yowmu caashuuraa, si loogu khilaafo Yahuudda.
Waxaa wanaagsan in qofka muslimka ahi uu soomo maalinta 9-aad iyo 10-aad, haddii ay sagaalaad dhaaftana waxa uu soonka Caashuuraa raacin karaa maalinta 11-aad oo ah maalinta ka dambeysa Caashuuraa.