Wararka ka imaanaya dalka Sierra Leone waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay daad xoogan oo khasaara geystay uu ku dhuftay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Inta la xaqiijiyay inka badan Saddex Boqol oo ruux ayaa ku dhintay daadad ka dhashay Roob xoogan oo ka da’ay magaalada Caasimada ah ee Freetown.
Sidoo kale daadkan xoogan ayaa cagta mariyay guryo iyo gooba ganacsi oo ku yaalay magaalada,waxeyna xukuumada dalkaasi sheegtay in wali la la,yahay dad fara badan oo loo maleynayo inuu daadka qaaday.
Warbaahinta dalkaasi ayaa soo bandhigtay Sawiro iyo muuqaalo muujinaya sida uu daadka u baabi’iyay gaadiid,guryo iyo dhismayaal kale oo ku yaala magaalada Caasimada ah.
Sidoo kale goobaha caafimaatka waxaa la dhigay dad laga soo dhex saaray Biyaha daadka kuwaasi oo badankooda xaaladoodu aad u liidato.
Calamada.com