Dowladda saliibiyada ah ee Burundi ayaa eedeyn kulul ujeedisay Kooxda Riddada Somalia, kaddib markii ciidankeeda ay ka hareen isbahaysiga saliibiga ah ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan xukuumadda Bujumbuura ayaa waraysi uu siiyay wargayska ChimpReports ku sheegay in kooxda Riddada ay ku kacday fal khiyaano ah iyo abaal la’aan.
““Waxaan aragnay khiyaano iyo abaal la’aan ka timid dhinaca Soomaaliya, iyadoo aan la tixgelin nafhurkii weynaa ee aan u hurnay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.” ayuu yiri sarkaalkaasi.
Dowladda Burundi waxay wararku sheegayaan in ay dalbatay in ciidamo dheeraad ah loogu daro howlgalka, waxaana gabi ahaanba ay ka baxday dulallanka cusub ee loogu magacdaray AUSSOM.
Xukuumadda Bujumbuura ayaa dalbatay in ciidankeeda laga dhigo ilaa 2,000 oo askari balse waxaa la siiyay ciidan gaaraya 1,041, taas oo keentay in ay carooto.
Kumannaan ka tirsan ciidanka saliibiyiinta Burundi ayaa duullaan saliibi ah ku joogay Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007,-dii kolkaas oo iyaga iyo ciidanka saliibiyiinta Uganda horudhac u ahaayeen murtazaqada Afrikaanta ah.