Rag hubeysan waxey gudaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Hodan.
Sarkaalkan oo ka mid ahaa gudoomiye Waaxeedyada maamulka degmada Hodan ayaa lagu dilay xaafada Taleex,waxaa sarkaalkan lagu magacaabi jiray Cabdi Kuus.
Ragga dilka geystay ayaa sarkaalka ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in Cabdi Kuus isla goobta ku dhinta.
Mas,uuliyada dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo maalmihii u dambeeyay si gaar ah Muqdisho ugu ugaarsanayay saraakiisha dowlada Ridada Farmaajo.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.