Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dileen nin Ergo ah kaasi oo dilkiisa faahfaahin laga helayo.
Dilka qorsheysan ayaa ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxeyna Ragga hubeysan dileen Cabdi Llaahi Axmed Cali oo ka mid ahaa Ergadii soo xushay xildhibaanada golaha dhawaaqiida gaar ahaan kuwa lagu soo doortay magaalada Kismaayo.
Mas’uuliyadda dilka Ergeygan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxa uu dilka imaanaya xilli Shabaabul Mujaahidiin ay ugaarsi xoogan ku hayaan Ergadii soo xushay xildhibaanada Murtadiinta.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.