Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey howlgal gaar ah ka fuliyeen suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn dalka Soomaaliya.
Howlgalkan gaarka ah waxey ciidamada Mujaahidiinta ku dileen Murtad Cabdi Macow Kulmiye oo ahaa askari ka tirsanaa maleeshiyaatka kooxda Ridada gaar ahaan qeybta lacagaha baadda ah ka qaada shacabka magaalada Muqdisho.
Dhanka kale magaalada Baydhabo waxaa qarax ka dhacay goob saldhig u ah Murtadiinta waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Konfur Galbeed.
Dhanka kale duleedka degmada Baraawe ee Wilaayada Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhig ay halkaasi ka sameysteen ciidamada Kufaarta Afrikaanta waxaana jirta khasaara gaalada lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Calamada.com