Rag hubeysan waxey gudaha degmada Kaaraan ee gobalkan Banaadir ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Kaaraan.
Dilka waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa xaafadaha Siisii iyo Sanca,waxeyna ragga hubeysan sarkaalka ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku geeriyooda.
Sarkaalka lagu dilay gudaha degmada Kaaraan waxaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Maxamuud Cali kaasi oo ka mid ahaa gudoomiye Waaxeedyada maamulka dowlada Farmaajo ee degmada Kaaraan.
Dilka sarkaalkan waxa uu imaanaya xilli maalintii shalay qarax ka dhacay gudaha degmada Dayniile ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad Lix sarkaal oo ka tirsan maamulka Dayniile.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.