Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka geysteen dil qorsheysan kaasi oo faahfaahin laga helayo.
Dilkan waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxeyna ragga hubeysan dilkan u geysteen sarkaal ka tirsan Booliska dowladda Ridada.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur kaasi oo ahaa sarkaal si aad ah u dhibay dadka shacabka ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmada Hodan.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee dilay Sarkaalkan Booliska ah ayaa sidoo kale horay usii qaatay Biskoolad uu ku hubeysnaay sarkaalka ay dileen.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.