Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalka Helmand oo ah gobalka ku yaala Konfurta Afghanistan ay ka dhacday Camaliyad Istish-haadiyo ah taasi oo lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan maamulka daba dhilifka Kaabul.
Camaliyaddan waxey sigaar ah kaga dhacday magaalada Lashkar-jaah oo ah magaalada xarunta u ah gobalka Helmand,waxaa camaliyaddan sigaar ah loola beegsaday difaaca Labaad ee maleeshiyaatka ilaalada Xuduudaha ee maamulka daba dhilifka Afghanistan.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in Camaliyaddan Istish-haadiyada uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan kaasi oo ka xeynayay gaari Xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in saraakiil iyo askar fara badan oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Kaabul ee kabo qaadka u ah dowlada Nasaarada Mareykanka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarkaasi naf hurnimada ah.
Camaliyaddan ayaa kusoo aadeysa maalmo ka dib markii Camaliyad Istish haadiyo iyo weerar Ingimaasi oo xoog ku gal ah lagu qaaday xero tababar oo ku taala gobalka Meydan Work ee Bartamaha Afghanistan weerarkaasi oo lagu dilay saraakiil iyo askar fara badan oo isugu jirta American iyo kuwa Ridada Afghanistan.
Calamada.com