Wararka ka imaanaya Gobalka Helmand ee Konfurta dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi ay ka dhacday Camaliyad Istish-haadiyo ah oo lala beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Kaabul.
Weerarkan Naf hurnimada ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Shan Boqol Iyo Shan oo ka tirsan magaalada Lashkar-jaah oo ah xarunta gobalka Helmand.
Camaliyaddan Istish-haadiyada waxaa sigaar ah loogu beegsaday Kolanyo ciidan oo xiligaasi ku sii jeeday degmada Marjah ee isla gobalka Helmand duulaana ku ahaa deegaano dhaca duleedka degmadaasi oo ay maamulaan ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Weerarkan Naf hurnimada ah ee ay Mas’uuliyadiisa sheegatay Imaarada Islaamiga waxaa fuliyay Mujaahid lagu magacaabo Xaafid Xamdullaahi Mukhlis kaasi oo gaari Miineysan bartamaha kala galay kolanyadaasi.
Inta la xaqiijiyay Weerarkaasi Naf hurnimada ah waxaa lagu dilay inka badan Soddon Iyo Kow askari waxaana lagu dhaawacay Labo iyo Labaatan askari,sidoo kale waxaa lagu burburiyay Kow iyo Labaatan gaari oo ah noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka.
Sida ka muuqata khasaaraha ka dhashay Camaliyadaasi Istish-haadiyada ah waxaa fashilmay gabi ahaan duulaankii ay ku sii jeedeen kolanyadaasi daba dhilifyada ah ee lagu weeraray bartamaha magaalada xarunta u ah gobalka Helmand.
Calamada.com