Wararka ka imaanaya deegaanka Fiidow ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in ciidamada Burundi gabi ahaan isaga carareen deegankaasi oo maalin ka hor ay yimaadeen.
Ciidamadan oo ka soo baxay magaalada Jowhar ayaa sahay u siday Murtadiinta Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi , iyadoona Saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Kuffaarta Burundi ay dib uga gurteen deegaanka Fiidow.
Faahfaahino ayaa ka soo baxaya sababaha ku qasbay in ay dib u gurtaan, wararka ay sheegayaan in ay soo wajahaday ciidankaasi Cabsi xoogan oo ku aadan weeraro kaga yimaada Mujaahidiinta.
Kadib markii Ciidamadasi ay dib kaga gurteen deegaanka fiidow ayaa waxaa Mujaahidiinta ay la beegsadeen weerar Kamiin ah oo khasaaro xoogan lagu gaar siiyay Cadowga .
Shalay ayay aheed markii Murtadiinta Jabuuti oo ka soo baxay degamada Jalalaqsi kuwaasi oo doonayay in ay sahay ka soo qaataan Ciidamada Burundayska ayaa lala eegtay Labo weerar oo dhabba gal ah taasi oo khasaaro xoogan lagu gaar siiyay.
Weerardaan la kulmeen maleeshiyaadka Murtadiinta Jabuuti ayaa ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray Cadowga.
Ilaa Saddex askari oo Labo ka mid ah ay ahaayeen Jabuutiyaan halka midka kale uu ahaa maleeshiyaadka dowlada federaalka ayaa ku dhaawacmay weerarada kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyay degmada Jalalaqsi.
Dhanka kale waxaa Labo kamiin lala eegtay Kolonyo gaadiid ah ay la socdeen Ciidamo isku jiray Itoobiyaan iyo Murtadiinta Jabuuti kuwaasi oo ku socdaalayay inta u dhaxeeysa Halgan iyo magaalada Beledweyne khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay weeraradaasi.