Wararka ka imaanaya degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka qof shacab ah si bareer ah ugu dileen gudaha degmadaasi.
Qofka shacabka ah waxey maleeshiyaatka dowlada federaalka habeenkii xalay ku dileen agagaarka Suuqa lagu iibiyo Xoolaha nool ee ku yaala dhanka Galbeedka ee magaalada Beledweyne.
Dadka shacabka ee ku dhaqan degmadaasi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ruuxa shacabka ee askarta dowlada dileen uu doonayay in maleeshiyaatkaasi ka hor’istaaga kufsi ay doonayeen iney kula dhaqaaqaan haweeney si xoog ah ay gurigeeda kala baxeen.
Muran dheer kadib maleeshiyaatka dowlada ayaa rasaas hubiyay wiilkaasi dhalinyrada ah kaasi oo ugu dambeyntii isla goobta ku geeriyooday.
Maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa horay usii ka xeystay haweeneydii ay gurigeeda kala baxeen taasi oo ilaa iyo imika nolal iyo geeri meel aan lagu ogeen.
Shacabka ku dhaqan degmada Beledweyne ayaa dhibaatooyin joogta ah kala kulma ciidamada dowlada Ridada Jabuuti’kuwa Somaliya iyo ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Calamada.com