Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Somaliya ayaa sheegaya in qarax culus lala beegsaday kolanyadii ciidamada Kufaara Xabashida Itoobiya ee maalmo ka hor ka cararay degmada Ceelbuur kuwaasi oo ku sii jeeda dhanka degmada Dhuusamareeb.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ceel-qooxle iyo degmada Dhuusamareeb waxaa dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Galgaduud.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in miinada ay la kacday mid ka mid ah gaadiidka ay wataan ciidamada Xabashida Itoobiya’waxeyna warar hoose sheegayaan iney jiraan tiro askar Itoobiyaan ah oo baqti iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi.
Ciidamada Itoobiya ayaa qaraxa kadib furay rasaas xoogan oo muddo socotay balse lama soo sheegin wax dad shacab ah oo waxyeelo ay kasoo gaartay rasaastaasi.
Ciidamada Itoobiya ee Saddex maalin ka hor ka baxay degmada Ceelbuur ayaa wali wadada ku sii jira iyagoo aanan gaarin degmada Dhuusamareeb oo ah halka ay ku sii jeedaan Xabashida Itoobiya waxeyna degmada Dhuusa amareeb u jirtaa degmada Ceelbuur qiyaastii 90-km.
Calamada.com