Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ayaa mar kale dhacdooyin naxdin leh ka geystay gobalka Bakool oo dhaca dhanka Konfur Galbeed ee dalka Somaliya.
Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa oday 80 Jir ah ku dilay deegaanka Buurdhuxulle oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Waajid ee gobalka Bakool’waxey sidoo kale qafaasheen tiro dad shacab ah oo ilaa iyo imika ay ku heystaan deegaankaasi.
Dadka deegaanka Buurdhuxulle ayaa ka qaxay deegaanka kadib markii ay ka war haleen in deegaanka ay kusoo dhawaadeen kolanyo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeda dhanka degmada Waajid oo ka mid ah goobaha Xabashida Itoobiya duulaanka kaga sugantahay gobalka Bakool.
Kolanyadan Itoobiyaanka ah ayaa difaacyo ka sameystay Ceelka biyaha ee deegaanka Buurdhuxulle iyagoona dadka u diiday cabitaanka iyo guud ahaan isticmaalka Ceelbiyoodkaasi.
Kolanyadan ayaa ka timid dhanka dhulka Itoobiya xooga kaga heysata Somaliya waxeyna ku sii jeedaan dhanka degmada Waajid oo ay ku go’doonsanyihiin askar Itoobiyaan ah.
Calamada.com