Wararka laga helayo Wilaayada Hiiraan ee dhacda Bartamaha dalka Somalia waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Gobalkaasi uu ka dhacay weerar khasaara lagu gaarsiiyay Ciidamada Murtadiinta Jabuuti.
Weerarkan oo ahaa mid Kamiin ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay duleedka degmada Jalalaqsi oo ka mid ah goobaha ciidamada Jabuuti duulaanka kaga suganyihiin Wilaayada Hiiraan.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Weerarkan Dhabba galka ah u dhigay Askar Jabuutiyaan ah oo doonayay iney dhac ka geystaan duleedka degmada Jalalaqsi, Waxeyna Jabuutiyaanka kasoo baxeen gudaha degmada Jalalaqsi.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in askarta Jabuuti dib u carareen iyagoo khasaara kala duwan uu gaaray, Mana u suura galin hadafkii ay usoo baxeen oo aheed iney dhac u geystaan dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanada hoostaga Jalalaqsi.
Calamada.com