Dhacdo naxdin leh ayay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliya ka geysteen qeybo kamid ah Wilaayada islaamiga ee Gedo.
Ciidamada Kenya ayaa gubay, dabna qabadsiiyay xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay inta u dhexeysa Dhamase iyo Ceel-waaq, waxayna halkaas ku dileen labo ruux oo muslimiin ah.
Labada Ruux laguma dilin wax rasaas ah balse waa la ceejiyay, waana arin la yaab leh oo muujineysa cadaawada Kenyaatigu u qabaan umadda Soomaaliyeed.
Labada ruux ee ceejada lagu dilay waxay ku dhex gubeen dhismaha xarunta shirkadda Hormuud ee ay dabka qabadsiiyeen.
Dadka deegaanka ayaa la yaabay arintan waxayna ka muujiyeen caro xoogan, iyagoona ku hanjabay iney ka aargudan doonaan Kenyaatiga.
Suldaan Ibraahim oo kamid ah waxgaradka wilaayada islaamiga ee Gedo oo waraysi siiyay Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan ayaa ka sheekayay qaabka ay u dhacday falkan argagaxa badan ee ay ku kaceen ciidamada Kenyaatiga.
Xuquuqda Qoraalka Iyo Codka Waxaa Iska Leh Radio Alfurqaan.
Calamada.com