Ciidamada Kenya ayaa markale dhibaatooyin naxdin leh ka geystay gobalka Gedo taasi oo ay kula dhaqaaqeen dad shacab oo Reer Mii ah.
Ciidamadan Saliibiyiinta Kenyaatiga ah ayaa tuulo yar oo lagu magacaabo Barmiil oo hoostagta deegaan weynaha Fafaxdhuun waxey ku dileen sadax caruur ah.
Sidoo kale halkaasi waxey ku dhaawaceen Awowgii iyo ayeydii Caruurtaasi oo lagu kala magacaabi jiray ayeeyo Batuulo Maxamuud iyo Awoowe Hilowle Cabdullaahi Nuur oo labaduba ah Waalidiin waayeela ah.
Carruunta ay laayeen ciidamada Kenya ayaa xiliga la dilayay waxay la joogeen Awoowgood iyo iyo Ayeeyadooda oo ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay .