Askarigii ugu dambeeyay ciidamada Maraykanka ayaa isaga huleelay guud ahaan dalka Afghanistaan ka dib 20 sanno oo duullaan cudwaan ah ay dowladda Maraykanka iyo xulufadiisu kusoo qaadeen dalka Afghanistaan.
Wararka ka imaanaya magaalada Kaabul ee caasimadda waddanka Afghanistan waxay sheegayaan in ciidamadii Maraykanka iyo xulufadiisa gaashaanbuurta Nato ay soo dhameeyeen howlgalkooda dib u gurasho ee dalka Afghanistan.
Kenneth Franklin McKenzie oo ah madaxa taliska dhexe ee Maraykanka oo la hadlayay Pentagonka waxa uu ku dhawaaqay inay soo gabagabeeyeen howlgalka daadguraynta ciidamadiisa saliibiyiinta ka dib 20 sanno ka hor markii ay dowladdiisu duullaan dhul iyo cir ah ku qaaday dalka Afghanistan.
“Waxaan halkan u imid inaan ku dhawaaqo dhamaystirka ka bixitaankeenna dalka Afghaanistaan iyo dhammaadka hawlgalka milateri ee daadgureynta muwaadiniinta Mareykanka,” waxaa sudaas yiri McKenzie.
Dhinaca kale Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo ah afhayeenka imaarada islaamiga ah ee Afghanistan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter ku sheegay in 20 sanno ka dib ay xalay Afghanistaan ka xorowday gumaystihii soo duulay.
Ammaanka madaarka caalamiga ah ee Kaabul waxaa si buuxda loogu wareejiyay ciidamada Jeyshul Fatxi ee Daalibaan sida lagu daabacay barta ay imaaradu ku leedahay Twitter-ka.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto waxaa lagu arkayay ciidamada Al-fatxi oo la wareegaya guud ahaan garoonka caalamiga ah ee magaalada Kaabul, waxaana si wayn dalka uga billowday dabaadagyo waawayn.
Magaalada Kaabuul ee caasimadda waddanka waxaa habeenkii xalay si wayn looga dabaaldagay ka bixitaanka iyo guusha wayn ee ay soo dhiciyeen ciidamada Imaarada islaamiga ah ee Afghanistaan kuwaas oo gumeystihii soo duulay 20 sanno ka dib ku qasbay inay isaga huleelaan guud ahaan dalka.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com