Ciidamada Saliibiyadda Maraykan ah iyo kuwa gaalada Isbaheysiga NATO ee duulaanka ku jooga dalka Afghanistan ayaa gabi ahaan isaga cararay gobolka Ruuzjaan.
Ciidamada Maraykanka ayaa saldhigan ka cararay kadib markii ay joogto noqotay weerarada ka imaanaya dhanka Imaarada Islaamiga ee Dhaalibaan.
45 maalmood gudahood ayay ciidamada Imaarada Islaamigu waxay saldhigan ku garaaceen 116 Saaruukh, waxaana sawaariikhdaas ay geysteen khasaare muuqda.
Imaarada Islaamiga ee Afqanistan oo uu hogaamiyo Sheykh Mowlawi Hibatullaah ayaa si firfircoon u wada howlgallo jihaadi ah oo lagu naafeeyey ciidamada shisheeyaha ee dalkaas duulaanka ku jooga iyo kuwa ku taageeraya ee asal ahaan ku abtirsada muslimiinta degta dalkaas.