Saqdii dhexe ee xalay ayaa ciidamo katirsan Maraykanka oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah waxay xasuuq argagax leh ka geysteen deegaan u dhow magaalada Bariire, halkaas oo ay ku dileen dad shacab masaakiin aan waxba galabsan.
Deegaanka Sheekh Axmed oo ah deegaan yar una dhexeeya Bariire iyo Afgooye ayay musiibadu ka dhacday, waxaana saq dhexe soo weeraray Ciidamo Ameerikaan ah iyo kuwa Soomaali ah.
Ugu yaraan 5 Ruux oo xilligaas joogay beer ku taalla deegaanka Sheekh Axmed ayaa dhintay, saddex ruux oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, waxaana horay u watay ciidamada Maraykanka.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Al-furqaan ayaa xaqiijiyay in dadka la dilay dhamaantooda ay ahaayeen dad shacab ah oo la garanayo, wuxuuna sheegey iney isugu jireen beerallay, Xoolo dhaqato iyo Ugaarsato.
Maydadka shanta ruux ayaa yaala goobtii xalay lagu xasuuqay, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Maraykanka dad shacab ah si bareer ah ugu laayaan gobolka Shabeellaha hoose iyo gobollo kale oo dhaca koonfurta Soomaaliya, waxaana sidan oo kale la xusuustaa gumaad ciidamada Maraykanka kula kaceen dad shacab ah oo ku sugnaa nawaaxiga Bariire sanadkii hore.
Dhagays Qof kamid ah dadka deegaanka oo u waramay Idaacadda Al-furqaan.