Magaalada Khawaj Gar oo ka tirsan Wilaayada Takhar oo dhacda Waqooy Bari Dalka Afghanistan waa Magaaladii Labaad oo Muddo 24-saac Gudahood dagaal kula wareegaan Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
La wareegidda Imaarada Islaamiga Afghanistan ay la wareegtay gacan ku heynta Magaaladan ayaa timid kadib markii Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan dagaal culus ku qaadeen Saldhiga iyo Difaacyada Maleeshiyaatka Ridada Kaabul ay ka sameysteen gudaha iyo duleedka Magaalada Khawaj Gaar.
Dagaalka Markii Muddo Kooban uu socday ayey ciidamada Mujaahidiinta si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada, Iyadoona khasaara culus oo Naf iyo Maal ah dagaalkan lagu gaarsiiyay Maleeshiyaatka Maamulka Ashraf Gani.
Mu’assasada Al-imaarah oo ka mid ah Garabyada Warbaahineed ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay Muqaal kooban oo ay Imaaradu kusoo bandhigtay Qaabka Ciidamada Mujaahidiinta ula wareegeen Magaalada.
Dhanka kale Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa Saacadihii lasoo dhaafay Allaah Fadligiisa dagaal culus kula wareegay Soddon iyo Labo Deegaan oo wada hoostaga Mazaar Shariif oo ah Xarunta Wilaayada Balkh ee Waqooyga Dalka Afghanistan.
Saddex-dii Bilood ee u dambeysay waxey Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan si buuxda ula wareegeen Ilaa Iyo Lix Magaalo oo ka kala tirsan Wilaayaatka Gowr, Aruzjan, Badagis Iyo Wilaayada Takhar kuwaasi oo kala dhaca Waqooyga, Konfurta Iyo Bartamaha Dhulka Hooyada Jihaadka Casrigan Ee Afghanistan.
Calamada.com