Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab, ayaa gelinkii dambe ee maanta si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Bacaadweyne ee wilaayada islaamiga ah ee Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada murtadiinta, cabsi darteedna ay isaga carareen.
Degmada Bacaadweyne, waxay caawa si buuxda ugu soo dhacday gacanta mujaahidiinta, waxaana Allah fadligiis dib looga qotomiyay raayada Rasuulka Allaah SCW, waxayna ku biiraysaa degmooyin iyo deegaammo dhaca gobollada dhexe ee Soomaaliya, kuwaas oo cabsi darteed isaga cararay goobahaasi.
Maalin ka hor ayay ahayd markii maleeshiyaadka Riddada ay isaga carareen degmada Camaara ee dhacda wilaayada Mudug, waxaana xigay shalay oo ay murtadiinta isaga carareen deegaanka Masagawaay ee dhaca bariga Galgaduud, waxaana dhamaan deegaannada dib looga qotomiyay raayada Towxiidka.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay maanta weerar ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin duleedka degmada Buulaburde ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, waxaana weerarkaasi lagu dhaawacay hal askari oo murtad ah.