Iyadoo aroornimadii hore ee saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus oo lagu daah furay Labo Camaliyadood oo Istish haadiyo ah ay ku qaadeen deegaanka Buulo gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo waxaa soo baxayo warar dheeraad ah oo ku aadan dagaalkaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la xaqiijiyay iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buulo gaduud oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaatka Muratdiinta ee maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu ay dagaalka Buula Guduud ku qabsadeen sedax gaari iyo saanado melleteri “Mujaahidiinta ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Buula Gaduud, dhimasho badan ayaa cadowga soo gaartay sedax gaari oo Tiknika ahna waa la qaniimeystay.
Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay isku fidiyeen Buula Guduud iyo deegaanada hoos yimaad, sidoo kale ciidamada Al Shabaab waxay qabsadeen Bakhaaro Hub ah iyo Keydad shidaal iyo raashin ah oo ay isaga carareen ciidamada maamulka ‘Jubbaland’ isku magacaabay.
allahu akbar walillahilxamdu gul allahasiyo juhdigodana allahabarakeyo shuhadadodana allaha aqbalo dhawacudana allaha cafiyo
Alahu akbar
allahu Akbar Howlgalka barkeysan e murtadiinta lagu. xasukhay waa kuwa musliminta dhibatada Ku hayo murtadiinta diintooda shilinka sistay