Wararka ka imaanaya deegaanka Buulo gaduud oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in gabi ahaan deegaankaasi ay isaga carareen kolanyadii isugu jirtay gaalada caddaanka iyo kuwa madowga ee maalmo ka hor duulaanka ku qabsaday deegaankaasi.
Idaacada Andalus ayaa baahisay in ciidamadii huwanta ee kusoo duulay Buulo gaduud ay isaga baxeen deegaanka iyagoo lugeynaya kana baqaya weeraro hor leh oo uga yimaad dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada Buula Guduud oo 7-dii maalmood ee lasoo dhaafay ahaa aag dagaal wuxuuna deegaankaasi martigeliyay qaraxyo iyo dagaallo fool ka fool ah.
Dadka deegaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay la wareegida Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen deegaanka Buulo Gaduud oo muddo Todobaad ah ay duulaan ku joogeen ciidamo isugu jirta Gaalada Kenya,Mareykan iyo maleeshiyaatka dabo dhilifka Axmed Madoobe.
Saaka aroortii ayeey aheed markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga iyo difaacyada cadowga ee deegaanka Buulo gaduud taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay kolanyada gaalada iyo murtadiinta ee saacada ka hor isaga carartay deegaankaasi.
Calamada.com