Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaan istiraatiiji ah oo hoos yimaad magaalada Boosaaso.
Saaka aroortii hore ayay Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gudaha ugaleen deegaanka Af Urur kadib markii ay isaga firxadeen maleeshiyaadkii maamulka isku magacaabay Puntland.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaanka, ciidamada maamulka Puntalnd ayaa isaga cararay deegaanka Af Urur kadib markii ay arkeen in Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab oo deegaanka duulaan ku ah.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa la wareegay dhammaan xarumihii maamulka deegaanka iyo saldhigyadii Melleteri ee ay faarujiyeen ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada PL ee isaga firxaday Af Urur ay gaareen degmada Carmo, dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ay baaritaanno ku sameeyeen xarumihii ay faarujiyeen saraakiisha maamulka Puntaland.