Wararka ka imaanaya Wilaayada Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanno istiraatiiji ah oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Ciidamo huwan ah oo isugu jira Saliibiyiinta Kenyaati,American iyo kuwa Murtad Axmed Madoobe ayaa isaga baxay deegaannada Janaay Cabdalle iyo Beerxaani oo dhammaantood hoos yimaad magaalada Kismaayo.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa halkaas dib uqabsaday iyadoona ciidamadii huwanta ahaa ay dib ugu kala laabteen garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo deegaanka Cabdalla Biroole.
Duqeyn habeen hore ay diyaarado Drone ah dad shacab ah ugu geysteen deegaanka Janaay Cabdalle ayaa sababay khasaara dhaawacyo ubadan sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ciidamada huwanta ah oo isbuucii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyay deegaannada dhanka galbeed Kismaayo uga beegan ayaa weeraro isdaba joog ah kala kulmayay xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.
Difaacyo ay ciidamada Americanka ah maleeshiyaadka Axmed Madoobe uga qodeen tuulada Janaay Cabdalle ayaa dab la qabadsiiyay.