Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgalka culus ee ciidamada Ingimaasiyiinta Shabaabul Mujaahidiin ay ku galeen hoteel Saxafi oo ka mid ah hoteelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ee ay daganyihiin xubnaha kala duwan ee dowladda Ridada Federaalka.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee Weerarka ku qaaday hoteelka ayaa inta badan la wareegay gacan ku heynta hoteelka waxeyna maleeshiyaatka dowladda Ridada ka dagaalamayaan banaanka hore ee Hoteelka.
Ciidamada Mujaahidiinta Ingimaasiyiinta ah ayaa gudaha hoteelka ka wada Toogasho waxaana hoteelka gudahiisa ku go’doonsan xubn0 kala duwan oo dowladda ah.
Markii ay dagaalyahanadu gudaha u galeen Hotelka ayaa xubnihii dowladda ee ku jiray Hotelka waxay qaarkood u soo yaaceen dhanka ilinka dambe ee Hotelka si ay u baxsadaan, balse waxaa iyagana lala eegtay camaliyad kale oo istish-haadi ah oo dhacday 5 daqiiqo ka dib markii uu howlgalku bilowday.
Calamada.com
أَيْنَمَا تَكُونُوا يُدْرِككُّمُ الْمَوْتُ وَلَوْ كُنتُمْ فِي بُرُوجٍ مُّشَيَّدَةٍ