Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Basra oo ah deegaan istiraatiiji ah oo isku xira gobalada Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe.
Maleeshiyaatkii dowlada Ridada ee ku sugnaay deegaanka ayaa u cararay dhanka degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe,waxaa xusid mudan in maleeshiyaatka dowlada deegaankaan ay ku sugnaayeen wax aan ka badneen Toban Maalmood.
Kolanyo isugu jirta American iyo kuwa nabadsugidda oo saaka kasoo baxay degmada Afgooye ayaa kusoo wajahnaay deegaanka Basra balse waxey ku dhaceen Afar weerar oo Kamiino ah kuwaasi oo looga gubay Labo gaari.
Kolanyadan Americanka lasocday ayaa markii ay arkeen in weerarada ay ku bateen waxey u jiheysteen oo ay u carareen dhanka degmada Balcad,maleeshiyaatka dowlada ee ku sugnaay deegaanka Basra ayaa markii ay maqleen in kolanyadii kusoo socotay ee American-ku qeybta ka ahaa ay u carareen dhanka Balcad ayeey iyaguna gabi ahaan isaga carareen deegaanka Basra waxeyna ka daba tageen kolanyadii Balcad ku sii jeeday.
Dadka deegaanka ayaa si weyn ugu farxay la wareegida ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Basra,Raayada Towxiidka ayaa imika ka taagan deegaankaasi.
Calamada.com
Xaqu diriro dhiiranu markuu dhamacda leef siiyey
Dharbaaxooyin goortuu ahelay oo dhakada qaaday
Dhimbil kulul markii lagu shidee dhamac laleef siiyey
Dhurwaayada kolkii loo wararay gaal dhabaha qaadye
Dhamac kulul markii lagu shday dagac yiraah deene
Caanoodki dhaarana hayaa dhiiran kari waaye
Dhaka faar Farmaajoo markale ceeb ladalan dhoolye
Basraa dhaawacoodiyo ladhigay dhimashadoodiiye
Dhalinyarada Eebow quwee geesiyada dhiiran