Wararka ka imaaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Uganda qof shacab ah si bareer ah ugu dileen duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose.
Ciidamada Shisheeyaha ayaa si bareer ah duleedka degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelada hoose ugu toogtay Mucalim Dugsi Quraan oo waayeel ah kaasi oo lagu magacaabi jiray Mucalim Cali.
Shisheeyaha ayaa Mucalimka toogtay xilli uu marayay agagaarka difaacyada Kufaarta Uganda ay ka sameysteen duleedka degmada Qoryooley oo ka mid ah goobaha shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.
Saacadihii lasoo dhaafay ayeey aheed markii gaadiidka shisheeyaha iyo kuwa dowlada Ridada federaalka si bareer ah magaalada Muqdisho ugu jireen dad shacab ah oo isugu jiray dad gaadiidka Rakaabka lasocday iyo dad wadada lugeynayay.
Calamada.com