Wararka naga soo gaarayo dhulka la heysto ee Filastiin ayaa tibaaxaya in ciidamada Yahuudda ee xoogga ku qabsaday dhulkaas ay burburiyeen guri ku yaalla daanta galbeed oo ay leeyihiin qoys Muslim ah oo uu ka dhashay wiil dhalinyaro ah oo dhawaan weerar ku qaaday ciidamada Yahuudda.
Saraakiil u hadlay maamulka Yahuudda ayaa sheegay in ay guriga la burburiyey uu ka dhashay Maxamed Dhaariq Ibraahim oo 26-kii bishii Jullaay weerar tooreyn ah ku qaaday goob ay joogeen dad Yahuud ah.
Geesigan ayaa waxyeelo kala duwan gaarsiiyey dhowr ruux oo gaallo ah, ka dibna wuxuu ku shahiiday rasaas ay ku soo fureen ciidamadii Yahuudda ee goobta ku sugnaa.
Maamulka Yahuudda oo horay u qaatay jirkiisa ayaa hadana maalintii shaley si bareer ah u burburiyey guriga ay daganaayeen qoyska uu ka dhashay kaligii duulkaasi.
Arintan ayaa imaaneysa iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey uu maamulka Yahuudda qaaday olole ballaaran oo ku burburinayo guryaha qoysaska Muslimiinta ee ay ka dhasheen dhalinyaradii kaligood duulka ahaa ee fuliyey weeraradii lagu beegsaday ciidamada iyo dadweynaha Yahuudda ee xoogga lagu dajiyey dhulka barakeysan ee Filastiin.