Wararka laga helayo degmada Wallanweyn ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi ay kuwada dagaalameen maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka.
Iska hor’imaadka waxey maleeshiyaatka dowlada federaalka isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan taasi oo sababtay in muddo hakad gasho dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ee degmadaasi.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkaasi waxey maleeshiyaatka dowlada federaalka isaga dileen labo askari labo kalane weey isaga dhaawaceen’waxaa suura gal ah in markale maleeshiyaatka dowlada ku dagaalamaan gudaha degmadaasi.
Inta badan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa si joogta ah dhexdooda ugu dagaalama goobaha ay kaga suganyihiin Konfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Calamada.com