Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ku qaaday ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Puntland ee kajira gobollada waqooyi Bari.
Wararka ka imaanaya Buuraha Goolis ayaa sheegaya in maalintii Shalay ay xoogaga Al Shabaab qarax xooggan la eegteen gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan maamulka Puntland xilli ay ku safrayey wadada u dhexaysa magaalooyinka Galgala iyo Boosaaso ee bariga dalka Soomaaliya.
Xoogaga Al Shabaab ee ka howlgala Buuraha Goolis ayaa Aalaba ugaarsada gaadiidka maleeshiyaatka isku magacaabay Puntland ee isaga kala goosha magaalooyinka ku yaalla bariga Soomaaliya, waxaana ay dhowr jeer ay wadadan ku beegsadeen gaadiid ciidan iyo maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka ah ee loo tababaray ladagaallanka waxa argagaxisada loogu yeero.