Ciidamo aad u fara badan oo ah kuwa Saliibiyiinta Kenya ayaa xoog ku galay xaafado katirsan degmada Beled Xaawo ee gobalka Gedo degmadaasi oo ah degmo ku teedsan xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay godad ka qodeen xuduud beenaadka ayna darbiga siligga ka sameysan gudaha usoo geliyeen Beled Xaawo.
Dad shacab ah oo ka careysan duullaanka ciidanka Kenya ayaa iskusoo baxyo ka dhigay magaalada Beled xaawo, Maleeshiyaad katirsan maamulka Jubbaland isku magacaabay ayaa shacabka caraysan rasaas ku kala eryay.
Xiisada colaadeed ayaa la sheegay in ay ka jiraan inta u dhaxaysa Mandheera iyo Beled Xaawo, mas’uuliyiin katirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa isbuucii lasoo dhaafay Mandheera kula kulmay saraakiil Kenyaan ah waxayna u ogolaadaan in Kenya sii wadato mashruuceeda dhul boobka ah.
Kumanaan katirsan ciidamda Kenya ayaa duullaan ku jooga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo iyagoo wata shaatiga AMISOM oo ah dallad loogu talagalay in ay gumeysato shacabka Soomaaliyeed.