Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gobolka Lamu oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay xoogga ku haysato dowladda saliibiyadda ah ee Kenya, ayaa qarax xooggan waxay la beegsadeen kolonyo ciidamo saliibiyiin Kenyaan ah oo kasoo baxay magaalada Kaambooni kuna sii jeeday dhanka magaalada Ishaakaani.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah kaga dhacay duleedka magaalada Ishaakaani ee gobalkaasi Laamuu, wuxuuna si gaar ah u haleelay gaari Kooyal ah oo uu saarnaa qori dhashiike ah, waxaana la xaqiijiyay in xilliga uu qaraxu haleelayay gaarigaasi ay ka buuxeen askar badan oo saliibiyiinta Kenyaan ah.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in gaariga Kooyalka ah ee qaraxaasi lagu bartilmaameedsaday iyo qorigii dhashiikaha ee saarnaa ayaa goobta ku wada burburay, waxaana sidoo kale qaraxaasi ku halaagsamay dhammaan ciidamadii Kuffaarta Kenya ee saarnaa gaarigaas.