Taliska ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee la magac baxay ATMIS ayaa maanta shaaciyay inay ka baxeen xaruunta madaxtooyada Villa Somalia oo ah halka looga arrimiyo kooxda Riddada Soomaaliya, halkaas oo tan iyo 2007-dii ay ku ilaalinayeen madaxda kooxda Riddada.
Qoraal lagu baahiyay barta rasmiga ah ee isbahaysiga ATMIS ayay ku sheegeen in maanta ay ciidamadooda kala baxeen madaxtooyada Muqdisho iyo xarunta baarlamaanka, waxayna intaas ku dareen in tallaabadan ay kaga baxeen madaxtooyada ay billow u tahay wajiga 2-aad ee bixitaanka ciidamadooda duullaanka saliibiga ah ku jooga dalka Soomaaliya.
Taliska ciidanka kuffaarta ee ATMIS ayaa dhowaan shaaciyay in 31-ka bishan December ay soo dhamaystiri doonaan bixintaankooda wajiga 2-aad, kaas oo ay sheegeen inuu u baaqday codsi uga yimid kooxda Ridada Soomaaliya, horay waxay uga baxeen dhowr saldhig oo ay kaga sugnaayeen koonfurta Soomaaliya.