Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada kuffaarta Burundi ee ku sugnaa deegaanka Raaga Ceelle ee gobolkaasi ay gabi ahaanba faarujiyeen saldhiggii ay kaga sugnaayeen deegaankaasi.
Taliska ciidanka kuffaarta Afrikaanta ee la magac baxay ATMIS ayaa sheegay in ay bannaeeyeen saldhigga Raaga Ceelle oo ka mid ahaa deegaannadii ay saliibiyiinta isbahaysigaasi kaga sugnaayeen Sh/dhexe, saliibiyiinta Burundi ee saldhigaasi isaga cararay ayaa halkaasi ku sugnaa muddo toban sano ah, waxaana loo raray dhanka xerada Xalane.
Bishii September ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidankan la qorsheenayay in laga saaro saldhiggaasi, balse kooxda Riddada Soomaaliya ay sheegtay in aysan ka maarmin ciidankaasi ayna dalbatay inay sii joogaan muddo saddex bilood ah.