Ciidamda maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa sare u qaaday olalihiisa dhul ballaarsiga ah ee uu ka wado gudaha waddanka Suuuriya ee dhowaan un laga xoreeyay nidaamkii dhiigyacabka Bashaar Al-asad.
Ilo wareedyo deegaanka ayaa soo sheegay in ciidanka Yahuuddu gaareen deegaan lagu magacaabo Suweyrah oo dhaca baadiyaha gobolka Quneydarah, waxaa halkaas ka dhacay isku soo baxyo wayn oo ka dhan ah maamulka sahaayinada.
Bulshada deegaankaasi ku dhaqan waxay muujiyeen inay ka xunyihiin ciidamada Sahaayinada ee deegaankooda ixtilaalay, balse intii isku soo baxa uu socday waxay ciidamada Yahuuddu dhaawac u gaysteen ilaa saddex qof oo rayid ah.
Goobjoogeyaal goobta ku sugan ayaa soo sheegay in sahaayinadu burburin ka gaysteen Suweyrah, dadkii deegaanka ee isku soo baxa ka dhanka ah duulaanka iyo qabsashada ciidanka Yahuudda sameeyay ayaa lasoo wariyay in rasaas ooda looga qaaday, halkaas na uu dhaawaca dadka rayidka ah ka dhashay.