Bulshada Kenyaanka ah, ayaa ciidamada dowladda Ingiriiska ka jooga waddankaasi u jeediyay eedaymo kala duwan oo ay ka mid tahay dilal lagula kacay dad Kenyaan ah.
Cutubyo ka tirsan ciidanka dowladda Ingiriiska ee magacooda loo yaqaan (BATUK), saldhigyada millatarina ku leh magaalada Nanyuki, ayaa loo jeediyay eedayntan oo ay ka mid tahay dambiyo dilal bareer ah, taasi oo guddi ka socda uu billaabay in uu xaqiijiyo.
Guddi uu barlamaanka Kenya u saaray dhacdooyinkan ayaa Talaadadii dalka Kenya ka billaabay dhageysi dadweyne, kaasoo lagu xaqiijinayo dilalka iyo falalka kale ee lagu eedeeyay ciidanka Ingiriiska ee ku sugan gobolladii ay gumeysiga ku joogeen ee Kenya.
Dilal oo kaliya ma ahan falalka lagu eedeeyay ciidanka Biritin, waxaase qayb ka ah xabsi geyn, musuqmaasuqa, khiyaanada, takoorka, ku-takri-fal awoodeed, iyo falal kale oo uu ka mid yahay kufsiga.
Warbaahinta Kenya, waxay sheegtay in kiiskii ugu saamaynta badnaa ee la xiriira dhacdooyinka loo haysto ciidankan, ilaa imikana aan waxba laga qaban, la diiwaan geliyay 2012-kii, kadib markii meydka haweenay Kenyaan ah laga helay qaybo ka mid ah magaalada Nanyuki, halkaas oo markii ugu dambeysay lagu arkay iyada oo nool iyo askari British ah.
Qoyska Agnes Wanjiru ayaa dowladda Kenya u gudbiyay dacwad ku saabsan dilka haweenaydan 21-jirka ah, balse waxay tan iyo 2012-kii sheegeen in laga gaabiyay kiiska gabadhooda.
Xaqiijinta kiisaskaan oo shalay ka billowday Ismaamullada Laikipia iyo Samburu, ayaa la sheegay inay sii socon doonaan ilaa 30-ka bishan, Kenya ayaa horay ugu fashilantay baaritaanada kiisaska dilalka ah ee ay dalkaasi ka gaystaan ciidamada Ingiriiska, waxaana kiisaskaasi ka mid ah kiiskii dhacay 2012-kii.