Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rassaas ciidamo ka tirsan kuffaarta Itoobiya ay ku fureen dad shacab ah oo ku socdaalayay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya,
Ciidanka nasaarada xabashida ayaa rassaas xooggan ku gaaray gaari Bus yar oo ay leeyihiin dad shacab ah, kaas oo sida la sheegay waday dad rakaab ah, baabuurkan Buska ah ayaana lasoo wariyay in xilliga ay weerarayeen ciidanka Itoobiya uu marayay meel u dhow Qabri-Bayax.
Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen rassaasta ay furayeen ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ilaa imika lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad cisbitaalka, waxaana dhacdadaan kusoo beegmaysaa xilli ciidanka nasaarada Itoobiya ay xoojiyeen beegsiga ka dhanka ah gaadiidleyda Soomaalida ah ee isaga kala goosha degaannada ay gumeysato ee Soomaali galbeed.