Ciidamada millatariga dowladda Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.
Wakaaladda oo xiganaysa sarkaal Mareykan ah oo ka tirsan wasaaradda difaaca ayaa intaasi ku dartay in ciidamada Ruushka aysan ku dhex milmin ciidamada Mareykanka, balse ay isticmaalayaan goobo gaar ah oo ku yaalla garoonka Diori Hamani ee magaalada Niamey oo ah caasimadda Niger.
Tallaabadan ayaa daba socota , kaddib markii militariga la wareegay xukunka dalka dhaca galbeedka Afrika ee Niger, ay ku amreen Mareykanka inuu kala baxo ciidankiisa, waxay taasi keentay inay tirtiraan heshiisyada dhanka difaaca ee u dhaxeeyay Niger iyo Mareykanka, dhammaan saldhigyada uu ka baxayna waxaa la wareegaya Ruushka oo ay markiiba ku xirteen militariga Niger.