Millatariga dalka Suudaan ayaa maanta duqaymo dhanka cirka ah ku beegsaday fariisimaha iyo saldhigyada ciidan ee ay leeyihiin maleeshiyaadka fallaagada Dacmu sariic, oo ah koox ku kacdoontay taliska millatariga, duqaymahaas ayaa ka dhacay magaalooyin ay ka mid tahay Umdurmaan.
Ilo-wareedyo Suudaani ah ayaa soo sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada millatari ay duqaymo ku beegsadeen fariisimo kala duwan oo ay ciidamada kooxda taageerada deg degga ah ay ku leeyihiin bartamaha iyo koonfurta magaalada umdurman iyo waqooyiga Khartoum Baxri.
Sidoo kale waxay ciidamada millatarigu fuustooyin qaraxyo ah ku duqeeyeen isku imaatinno iyo fariisimo kale oo ay ku sugnaayeen taageerada degdega ah, gaar ahaanna ku sugnaa magaalada Wad-madni.
Deegaannada dhaca galbeedka Wad-madni ayaa lasoo wariyay in lagu arkayay qiic xooggan oo ka dhashay duqeymo dhanka cirka ah oo ay sameynayeen ciidamada Suudaan, kaddib iska horimaadyo xooggan oo toddobaadkii tagay ka dhacay dhanka galbeed ee magaaladaasi ay keeneen in millatarigu ay magaalada isaga baxaan.
Duqaymaha taliska ciidamada millatariga ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Dacmu-sariic waxaa sidoo kale laga soo calaamadiyay galbeedka iyo waqooyi bari magaalada Al-Mujlad ee dhacda galbeedka gobolka Kardafaan, sida ay xaqiijiyeen isla ilo wareedyo Suudaanees ah.
Weeraradan dhanka cirka ah ee ay gaysteen millatariga uu hoggaamiyo General Cabdil-fataax Al-burhan ayaa kusoo beegmaya, maalmo uun kaddib markii ciidamada Suudaan ay duqeeyeen xaafadda Al-Macmuura oo koonfur bari ka xigta magaalada Khartum iyo Al-Azhari ee dhacda koonfurta Khartum, halkaas oo ay ku beegsadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada taageerada degdegga ah.