Taliska ciidanka maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa shaaciyay in laba askari oo ka tirsan ciidamadooda millatariga ay isku dileen si qalad ah, kuwaas oo ku sugnaa gudaha marinka Gaza.
Ciidanka gumeystaha ayaa askarta toogashada isku dilay magacyadooda ku kala sheegay in lagu kala magacaabi jiray Kabtan Kalqidn Mehri iyo Kabtan kale oo la oran jiray Ido Aviv.
War-saxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidanka maamulka Yahuudda waxaa lagu sheegay ciidanka 99-aad oo baaritaano horudhac ah ku sameeyay dhacdadaasi ay saraakiishu ku dhinteen, lagu ogaaday in mid ka mida taangiyada ay qataan qaybta (769) uu ka baxay xarun qarsoodi ah, waxaana taangigaasi ku dhacay madaafiic ay rideen diyaaradda ciidanka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamo hubeysan oo ka tirsan isla taliskaasi ay dareemeen qaladka dhacay, waxay sidoo kale sheegeen in uu jiro khasaare dhaawacyo u badan oo soo gaaray askar kale oo ka tirsan millatariga.