Xaalad feejignaan dhanka caafimaadka ah ayaa looga dhawaaqay wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika kadib markii laga helay cudur dilaa halis ah.
Xaalad feejignaan dhanka caafimaadka ah ayaa looga dhawaaqay wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika kadib markii laga helay cudur dilaa halis ah.
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in haweenay la ildaran cudurka Ebola lagu arkay gobolka Kericho oo aan sidaas uga fogeyn magaalada caasimadda ah ee Nairobi.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in haweenaydan qabta cudurka Ebolo la geeyay goob caafimaad si halkaas loogu karaantiilo waxaana laga cabsi qabaa in cudurkan laayaanka ah uu bulshada Kenya kusii dhax faafo.
Haweenaydan laga helay cudurka Ebola ayaa dhawaan kasoo laabatay wadanka Uganda halkaas oo ay ku booqatay saygeeda, gudaha wadanka Uganda waxaa kusii dhax faafaya cudurkan dilaaga ah oo kasoo gudbay dhanka wadanka Koongada Dimuquraadiga ah.
Dalka Kenya ayaa daris la ah Soomaaliya waxaana xusid mudan in kumanaan askari Kenyaan ah ay duullaan ku joogaan Koonfurta dalka gaar ahaan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.